Imtaaxanka dugsiga sare ee qaranka oo maanta ka bilowday Magaalada Baladweyne.

0
64

Baladweyne (Radio Beerlula)-In ka badan 1567 ardey oo ku nool Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta u fariistay imtixaanka dugsiga sare ee qaranka kaasoo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya.

Imtixaanka shahaadiga ee qaranka oo ardeyda dugsiyada sare ee dalka laga qaaday bishii May ee la soo dhaafay ayaa dib loogu dhigay ardeyda magaalada Baladweyne oo markii imtixaanka la qaadayay la daala dhacayay fatahaadii uu geystay webiga shabeelle.

Warbixintan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey