Kai Havertz Oo La Bar-Bar Dhigay Halyeega Chelsea Ee Frank Lampard.

0
99

Baladweyne (Radio Beerlula)-Saxiixa xagaaga ee Arsenal Kai Havertz ayaa lala barbardhigay halyeyga England iyo Chelsea Frank Lampard.

Bishii la soo dhaafay, ayaa la xaqiijiyay in Havertz uu Arsenal kaga soo biiray Chelsea  heshiis ku kacaya 65 milyan oo euro.

24-sano jirkaan ayaa markii ugu horeysay ka yimid kooxda Bayer Leverkusen sanadkii 2020. Isagoo Chelsea ugu soo biiray 62 milyan euro.

Laakiin waxa uu ku fashilmay in uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigo kooxda chelsea.

In kasta oo uu dhibtoonayay, xiddiga reer Germany ayaa dhaliyay goolkii guusha finalkii Champions League ee ay chelsea ka qaaday Manchester City 2021.

Ka hor inta uusan u dhaqaaqin Emirates, qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal ayaa ka walaacsanaa in Havertz uu yahay ninka ku habboon mashruuca Mikel Arteta. Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahankii hore ee Wales iyo Liverpool Dean Saunders ayaa hadda Havertz barbar dhigay Lampard.

“Aniga ahaan, Havertz wuxuu la mid yahay Lampard, marka la eego sida uu u yimaado goolka hortiisa”.