LABA Xiddig Oo Laf-Dhabah Ah Oo Real Madrid Iibin Karto Si Ay Lacagta Heshiiska Mbappe Uga Samayso

0
117

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda ree Spain ee Real Madrid ayaa ku qasbanaan karta inay samayso huritaan oo iibiso qaar kamida xiddigaha kooxdeeda si ay uga hesho lacagta ay ku heli karto weerarahanka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.

Madrid ayaa qorshaynaysay inay Mbappe qaab lacag la’aan ah kula saxeexato xagaaga sanadka dambe ee 2024 balse qorshahooda ayaa isbedeli kara toddobaadyada soo socda.

Mbappe inuu ka dhago adaygayo inuu heshiis kordhin u sameeyo PSG ayaa sii xumaysay xaalada iyadoo kor u qaadaysa fursada gudaha xagaagan lagu iibinayo.

Kabtanka France ayaa heshiiska uu ku joogo Parc des Princes yahay ilaa 2024 balse waxa ku jira qoddob dhigaya inuu kordhin karo sanad kale oo gaadhsiin karo ilaa 2025.

Sanadkaas dookha ah ayaa heshiiska lagu kordhin karaa ilaa dhammaadka bishan March, haddii uu wakhtigu ka dhaco ayaa la filayaa inay Paris heshiis 200 Milyan oo pound ah ku iibiso.

Sida uu haatan sheegayo wargeyska Daily Express, laba ciyaaryahan oo ay Real Madrid lacagta heshiiska Mbappe ka samayn karaan ayaa ah xiddigaha muhiimka uga ah khadka dhexe ee Federico Valverde iyo Aurelien Tchouameni.

Valverde iyo Tchouameni oo mustaqbalka fog ee Madrid lagu tirinayay ayaa midkoodba lagu qiimeyaa 100 Milyan oo euro.