Daadad laga cabsi qabo inay ku soo rogmadan Magaalada New York.

0
206

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Adeegga Cimilada Qaranka ee Maraykanka ayaa soo saaray digniino degdeg ah oo la xariira daadad inay kusoo rogmadan magaalooyinka Orange, Putnam iyo Rockland, ee waqooyiga magaalada New York.

Booliska ayaa xiray waddooyinka, waxaana ay soo saareen xaalad degdeg ah , iyaga oo dadkana u sheegay in aysan safrin.

Melissa Roberts oo degan deegaanka Orange County, ayaa duubtay muqaalka daadka – biyuhu ay ka saramareeen jilbaheeda iyo sidoo kale kale baabuurta wadada mareysay.

Dadaadkan ayaa sameyn ku yeeshay magaalada New York iyo qeybaha kale ee dalka Mareykanka kuwaasoo hakad galiyay isku socodkii.