Real Madrid Oo War Farxadleh Ka Heshay Saxeexa Kylian Mbappe Kaddib Go’aan Cusub Oo Ay PSG Gaadhay

0
151

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa war farxadleh ka heshay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe ee ay sida weyn u doonayso, waxaanay hadda isku diyaarinayaan in ay gudbiyaan dalabkii ugu qaalisanaa ee ay abid ciyaartoy ku iibsadaan, halka PSG ay qaadatay go’aan geesinimo leh oo tanaasul badan uu ka muuqdo, si ay u helaan koox iibsan karta laacibkan ay 12ka bilood ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa.

Kylian Mbappe oo u sheegay kooxdiisa in aanu heshiis cusub u saxeexayn oo 12 bilood oo kaliya uu lasii joogi doono haddii ay iibin waayaan xagaagan, ayaa  waxa uu hadda ku maqan yahay fasax uu ku joogo waddanka uu asal ahaanta kasoo jeedo ee Cameroon oo uu aabbihii ka yimid ka hor intii aanu guursanin hooyaadii.

Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee Ramon Alvarez, PSG ayaa ogolaatay in ay Kylian Mbappe siiso lacagta xaqal-qalinka ah ee uu doonayo Kylian Mbappe in loo shubo haddii ay noqoto in uu u wareego koox kale, taas oo ay hore Real Madrid u diidday inay bixiso.

PSG ayaa qiimaha laacibkan u go’aamisay 200 milyan oo Euro, waxaase lacag aan intaas ka yarayn dalbanayay Kylian Mbappe, balse kooxda reer France ayaa la sheegay in ay laacibkan isla qaateen in ay lacagtaas iyadu bixiso, isaguna uu tanaasul badan sameeyo, si ay suurtogal ugu noqoto in la iibsado xagaagan.

Lama sheegin tirada lacagta ay PSG siin doonto Kylian Mbappe, hase yeeshee Real Madrid ayaa  la sheegay in aanay bixin doonin wax ka badan 200 milyan oo Euro, isku-darka lacagta PSG doonayso iyo xaqal-qalinka uu dalbanayo Kylian Mbappe.