Aqoon isweeydaarsi ku saabsan hogaanka Haweenka ee Hawlaha Bani’aadamnimada oo laga daahfuray Muqdisho

0
126

Baladweyne (Radio Beerlula)-Gudoomiyaha Haya’dda maareynta musiibooyiinka qaranka ee Sodma Maxamuud Macalin Cabdule ayaa qaar kamid ah shaqaalaha Hay’adda magaalada muqdisho ugu daahfuray Aqoon-is-weydaarsi ku saabsan hoggaanka Haweenka ee Hawlaha Bani’aadamnimada.

Aqoon-is-weydaarsigaan ayaa socon doono mudo afar maalmood waxaa sare loogu qaadi doonaa fahamka shaqaalaha ee ku aadan hoggaanka Haweenka ee Hawlaha Bani’aadamnimada.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.