Arsenal Oo Ku Ciyaaraysa Qorshaha Chelsea Ee Moises Caicedo

0
68

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda chelsea ayaa ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaysa sidii ay u dhamaystiri lahayd saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo.

Chelsea ayaa Caicedo ka dhigtay bartilmaameedkooda 1-aad ee suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo doonaya in ay dhisaan kooxda tababare Pochettino.

 

 

Ilaa Haatan Brighton ayaa diidan in ay Chelsea ka iibiso xiddiga iyaga oo dalbanaya lacag dhan 100 milyan oo euro si ay u fasaxdo xiddiga.

 

Chelsea ayaa diyaar u ah in ay bixiso 80 milyan oo euro oo ah lacagtii ay Brighton markii hore doonaysay in ay ku iibiso xiddiga khadka dhexe.

Laakiin markii ay Arsenal 105 milyan ka bixisay xiddiga Declan Rice, Brighton ayaa badashay qiimaha ay ku iibinayso kana dhigtay 100 milyan oo euro.

Saxiixa Arsenal ee Declan Rice ayaa kooxda chelsea ka khal-khalisay qorshihii ay ka damaacsanaayeen saxiixa xiddiga Caicedo