Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka XFS Axmed Madoobe Nuunoow ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir looga arrinsanayo sugnaanta cunnada oo u dhaxeeya DF iyo dowlad goboleedyada si looga gudbo caqabadaha heysta wax soo saarka dalka, iyo in si wada jir ah leyska kaashado wax soo saarka dalka waxaana shirka ka qeyb galay masuuliyiin kasocday hey,adda cunada adduunka.
Shirkan oo socon doono laba maalmood ayaa looga hadlaya hanaanka wax soo saarka beeraha xoolaha iyo kaluumeysiga dalka waxana shirka ka qeyb galaya khuburo ku xeeldheer arimaha wax saarka oo ka caawin doona madaxda shirka sidii loo hagaajin lahaa systemka sugnaanta cunada iyo wax soo saarka dalka.
Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmad.