Xiddigii Ku Fashilmay Kubadda Cagta Oo Dunida Ka Yaabiyey

0
102

Baladweyne (Radio Beerlula)-Goolhayihii muruqyada weynaa ee ku fashilmay kubadda cagta Ingiriiska ayaa kasoo muuqday baraha bulshada isaga oo jidhkiisa si aad ah u dhisay oo u diyaarsan in uu wacdaro ka dhigo tartanka Lagdinta ee Musaaricada.

Stuart Tomlinson ayaa dhowaan soo dhigay baraha bulshada sawir ay dadkii yaqaanay garan waayeen oo uu gebi ahaanba is-dhaqalan rogay, kaddib markii uu yeeshay muruqyo aad u waaweyn iyo jidhkiisa oo si aad ah u dhismay.

Tomlinson ayaa waxa uu horraantii sannadihii 2000 kasoo baxay kulliyadda da’yarta ee kooxda Crew, waxaase uu ka tegay sannadkii 2009 isaga oo 28 ciyaarood u saftay, waxaana uu waqtigaas ka degay naadiga Borrow oo uu usii dhaafay Port Vale iyo Burton Albion oo uu afar sannadood oo kale kusii qaatay.

Muuqaalka jidheed ee Stuart Tomlinson ayaa ahaa mid ka duwan ciyaartoyda kale ee kubadda cagta, sababtoo ah muruqyadiisa aadka u weyn iyo sida uu u dhisan yahay, waxaanay mararka qaarkood taageereyaasha kubadda cagta ee kooxaha kasoo horjeeda ku tilmaami jireen mid cuslaaday oo aan kubbadaha joojin karaynin.

Dhaawac culus oo kasoo gaadhay jilibka waqtigii uu ku biiray Burton xilli-ciyaareedkii 2012-13, ayaa waxa uu ku qasbanaaday in ka fadhiisto kubadda cagta iyadoo da’diisu tahay 28 jir, waxaana uu sii watay dhismaha jidhkiisa, isaga oo gaadhay heer sawirkii lagu dhajiyo goobaha caafimaadka.

Sannadkii 2016, ayaa waxa uu Stuart Tomlinson ku biiray musaaricada, waxaana uu heshiis u saxeexay Vince McMahon, balse dhawr dhaawac oo kala duwan ayaa isla sannadkii 2016 soo gaadhay, iyadoo laga saaray liiska ciyaartoyda WWE ee musaaricada.

Stuart Tomlinson oo ay da’diisu tahay 38 jir, waxa uu dhowaan baraha bulshada ku baahiyey sawirro cusub oo muujinaya heerka uu gaadhsiiyey jidh-dhiskiisa, waxaana sawirrada ay taageereyaashiisii kubadda cagtu garan waayeen ka mid ah sawirkan hoose.