Baladweyne (Radio Beerlula)-Gudoomiye ku xigeenka Hay’adda barakacayaasha Somaliland Faadumo Cabdulaahi Cumar ayaa kaamka Barakacayaasha Naasa Hablood C ee magaalada Hargeysa ka Dhagax-dhigtay Dhismayaal iskugu jira Xarun Caafimaad iyo Dugsi Waxbarasho.
Madasha dhagax dhiga waxa goobjoog ahaa mas’uuliyiin katirsan maamulka Somaliland iyo madax katirsan hay’adda NRC iyo marti Sharaf kale.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Yuusuf Cabdulahi