Qaramada Midoobay oo shaacisay tirada dhalinyarada ku dhimatay badda Mediterranean-ka.

0
162

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad saddex boqol oo dhalinyaro ah lagu qiyaasay in ay dhinteen ama la waayay sanadkan iyaga oo isku dayaya in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka iyaga oo ka talaabaya Waqooyiga Afrika una sii gudbaya Yurub.

Warbixinta cusub ee ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ayaa ka digtay, in qaar badan oo ka mid ah doomaha degay aan la diiwaan gelin, taasoo oo adkeyneysa in tirada dhabta ah la xaqiijiyo .

UNICEF ayaa ku baaqday in la raadiyo waddooyin kuwan ka duwan oo sharci ah oo ay dhalinyaradu ku dalban karaan magangalyo iyo in la sameeyo dadaallo wanaagsan oo lagu badbaadinayo muhaajiriinta badda soo gala.

Hay’ada ayaa sidoo kale ku baaqday in wax badan laga qabto waxa sababay in dhalinyaro badan ay ka cararaan dalalkooda oo ay naftooda halis galiyaan.