Inter Milan Oo Lagu Qasbay Inay Hoos U Dhigto Qiimaha Xiddiga Manchester United U Waalanayso Ee Andre Onana

0
125

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa hoos u dhigtay qiimaha ay ku xidhay goolhayaha reer Cameron ee Andre Onana oo ay si weyn u doonayso Manchester United oo uu u yahay bartilmaameedkooda koowaad ee suuqa xagaagan, kaddib markii ay fasaxeen David De Gea oo si xor ah uga tegay.

Manchester United ayaa la sheegay inay qarka u saaran tahay saxeexa goolhaye Onana oo la filayay in Jimcihii manta si rasmi ah loo dhamaystiro heshiiskiisa balse illaa Sabtida ay Red Devils rajaynayso inay gacanta ku dhigo.

Wada-xajoodyo u socday labada kooxood ayaa la sheegay, in isfaham buuxa laga gaadhay oo ay xataa isla meel-dhigeen qiimaha, waxaana dabac badan samaysay Inter Milan oo ka tanaasushay lacagtii ay markii hore dalbanysay, halka Manchester United ay iyaduna sare u qaadday lacagta ay markii hore ku dalabanaysay.

Inter Milan ayaa waxay doonaysay in Manchester United ay bixiso €60 milyan oo Euro, balse waxay hadda ogolaatay in ay ku iibiso Andre Onana lcg dhan €55 milyan oo Euro oo waliba €5 milyan oo ka mid ah ay ku xidhnaaanayaan bandhiggiisa ciyaareed ee Old Trafford.

Kooxda Talyaaniga oo sannad ka hor si bilaash ah ula soo wareegtay Andre Onana ayaa u aragta in faa’iido weyn ay tahay in lagaga  iibsdo €55 milyan oo Euro waqtigan oo waliba ay doonayaan inay dibu-dhis ku sameeyaan kooxdoodii timid finalka Champions League xilli-ciyaareedkii hore.

Idaacadda Sportitalia ayaa sheegtay, in Inter Milan ay ku qasbanaatay in ay qiimo dhimis samayso, sababtoo ah waxay aragtay in aanu Andre Onana gacantooda ku jirin oo uu heshiis shaqsi ah la gaadhay Manchester United, isla markaana ay habboon tahay inay tanaasul samayso, si xiddigeedii ugu fiicnaa sannadkan ay u nabad-galeeyaan si habboon oo qalbi furnaan ah.

Lacagta ay Inter Milan ka hesho Andre Onana ayaa waxay ku kharash garayn doontaa iibka ciyaartooyo kale, waxaana ugu horreeya Romelu Lukaku oo dib ugu laabtay Chelsea oo ay qorshaynayaan inay dib usoo iibsadaan.