Baladweyne ( Radio Beerlula )Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa warqad u diray madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin, si uu ugu qanciyo Ruushku inaanu hakin hindisaha dibadda loogu dhoofiyo sarreenka laga raro dekedaha ku yaalla baddow.
“Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa dedaal ku bixinaya inuu xidhiidh la sameeyo dhammaan dhinacyada ay khusayso arrintani, isaga oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in horumar laga sameeyo soo jeedintiisa, isaga oo xidhiidh la samaynaya Ruushka” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Antonio Guterres.
Afhayeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Stephane Dujarric ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin intaas ka badan ka bixiyo hindisaha uu wado xoghaye Antonio Guterres.
Hindisahan ayaa oggolaanaya in sarreenka laga dhoofiyo dekedaha Ukraine, kuwaas oo Ruushku xannibay, tan iyo markii uu duullaanka ku qaaday dalka Ukraine sannadkii hore, waxaana laga yaabaa in dib loo cusboonaysiiyo bishan July 18-keeda.