Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirada arrimaha gudaha maaliyadda, iyo gaadiidka Hirshabeelle ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay dib u dhis lagu sameynayo wadada isku xirta deegaanka Ceelbaraf iyo Degmada Aadan-yabaal oo muhiim u ah isku socodka gaaiidka u kala goosha gobolada Hiiraan Shabeelaha dhaxe iyo Banaadir.
Maamulada degmooyinka Jalalaqsi, Ceel Baraf, Aadan Yabaal, xildhibaan ka tirsan baarlamanka Hirshabeelle iyo ganacasto ayaa goob joog ka ahaa daah furka dib u dhiskan lagu sameynayo wada isku xirta Ceel baraf iyo Aadan Yabaal.
Warbixintan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan