Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa habeen hore ku hoyday isbitaalka, sababo la xiriira biyo la’aan lagu sheegay jirkiisa.
Xafiiskiisa ayaa sheegtay in kulankiisa todobaadlaha ah ee Axaddii shalay dib loogu dhigay maanta oo Isniinta, in kasta oo Netanyahu uu sheegay inuu roonyahay.
Waa markii labaad oo habeennimo la dhigo isbitaal, muddo sagaal bilood gudahood ah.
Bishii Oktoobar, ayaa la dhigay cusbitaalka uu ku hoyday, taasoo keentay in uu tabar darreeyo kadib markii uu soomay.
Xafiiskiisa ayaan bixinin faah faahin badan oo ku saabsan isbitaalka, balse waxaa la sheegay oo kaliya in madaxa dowladda uu dareemayo xanuun.
Daraasadii ugu horeysayna waxay muujisay in xanuunkiisa lagu sifeeyay in jirkiisa uusan helin biyo ku filan.
Netanyahu ayaa ka soo muuqday muuqaal isagoo taagan oo dhoola cadeynaya, wuxuuna sheegay in dhibaatadan uu isku arkay xilli safar ay isaga iyo qoyskiisu ku tageen badda Galili.
Israa’iil ayaa la daalaa dhacaysa kulayl xooggan oo xilligan ka jira koonfurta Yurub iyo qaar ka mid ah dalalka kale ee caalamka, gaar ahaan dhanka waqooyi.