Baladweyne ( Radio Beerlula )-Suuqa weyn ee lagu iibiyo kalluunka magaalada muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya ayaa laga dareemayaa sare u kac dhinaca qiimaha lagu kala iibsanayo kalluunka.
Sare u kaca kaluunka ayaa waxaa sababay iyada oo lagu gudo jiro Xiliyada Badxiranka islamarkana ay jiraan doomo yar yar kuwaas oo bada ka keena kalluuun yar islamarkaan aan ku filneeyn ganacsatada ka ganacsata kalluunka.
Warbixintaan waxa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.