Dowladda Mareykanka oo cafinaysa deymaha ay ku leedahay Ardayda.

0
87

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maamulka Madaxweyne Biden, ayaa baabi’iyay $39 bilyan oo deyn arday lagu lahaa ah, oo laga doonayay inay bixiyaan arday tiradoodu gaareyso 804,000 in ka badan 20 sano.

Deyn cafiska ayaa ka dhashay hagaajin ay dowladdu sheegtay inay ku samaynayso qorshayaasha horyaalla.

Dadka deynta lagu leeyahay ee u qalma barnaamijkan, ayaa waxaa la ogeysiin doonaa haddii deyntooda la cafinayo toddobaadyada soo socda, sida ay sheegtay waaxda waxbarashada.

Waxay ku soo beegantay todobaadyo kaddib markii Maxkamadda Sare ee Mareykanka ay diiday madaxweyne Joe Biden dalab deyn cafis ah oo ardeyda ah, oo dhan $400bn.

Talaabada la qaaday Jimcihii, ayaa hagaajin doonta khaladaadka maamulka, taasoo ka dhigan in lacagaha dadka amaahda qaatay qaarkood aan lagu xisaabin inay u qalmaan deynta cafinta amaahda, waaxda waxbarashada ayaa sidaasi sheegtay.