Baladweyne ( Radio Beerlula )-Taageereyaasha mayalka adag ee kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa digniin u diray weeraryahanka Juventus ee Dusan Vlahovic ee ay wada-hadallada kula jirto PSG, kaas oo noqday bartilmaameedka koowaad ee kooxda reer France kaddib markii uu Kylian Mbappe iska diiday inuu heshiis cusub u saxeexo.
Paris Saint-Germain ayaa waxay isku diyaarinaysaa xilli-ciyaareed aanu qayb ka ahayn Kylian Mbappe oo waqtigii kama dambaysta ahaa ee ay u qabteen inuu heshiis cusub saxeexo, ama uu isku diyaariyo iib ay ka hadhsan yihiin 13 maalmood oo kaliya.
Dusan Vlahovic oo ay da’diisu tahay 23 jir ayay Paris Saint-Germain wada-hadallo kula jirtay usbuucyadii ugu dambeeyey, waxaanay u muuqdaan inay ka hor qaadayyaan kooxaha Chelsea, Tottenham iyo Bayern Munich ee lala xidhiidhinayay laacibkan.
Si kastaba, bannanka garoonka Prc des Princes ee kooxda Paris Saint-Germain ayaa waxa lagu dhejiyey qoraal digniin ah oo ay taageereyaashu u dirayaan xiddiga reer Serbia oo looga digayo inuu yimaaddo PSG. Qoraalkan ayaa waxa uu ahaa sidan: “Haddii aad timaaddo halkan, waxa aanu kaa goyn doonaa saddex farood.”
Wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa sheegay, in taageereyaasha PSG ay ka cadhoodeen dabbaal-deg uu sameeyey Vlahovic isaga oo xidhnaa garan ay ku qoran tahay ‘Kosovo waxay ka mid tahay Serbia’.