Kiisas kamid ah cudurka Gowracatada oo laga helay gobolka Shabeellaha dhexe.

0
101

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in kiisas ka mid ah cudurka gowracatada laga helay tuulada xabaala daacuun oo ka mid ah deegannada hoos taga degmada Mahadaay ee gobolka shabeellaha dhexe.

Saddex caruur ah oo lagu arkay astaamaha cudurka gorwacatada oo laga keenay tuulada Xabaala daacuun ee gobolka shabeellaha dhexe ayaa la dhigay isbitaalka hooyada iyo dhalaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey