Kulan looga hadlayay dardar gelinta dhismaha wadooyinka oo lagu qabtay Kismaayo

0
146

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada kismaayo ee caasimadda kumeel gaarka u ah maamulka jubbaland ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayay dar dar gelinta wajiga labaad ee mashruuca nagaad oo ah mid ay dowlada fadaraalka ah iyo dowlad gobolkeedyada dalka ay isaga kaashanayaan dhismaha waddooyinka gobolada dalka oo ay ugu horeyaan magaalooyinka Garoowe, Baladweyne iyo kismaayo kaasi oo wajigiisa koowaad uu marayo meel gabagabo ah.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka ah xubno kasocday wasaaradda howlaha guud ee jubaland iyo masuuliyiinta shirkadda fulineysa dhisamaha.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmad.