Cilmi baaris lagu ogaaday in lamaanaha aan ilmaha heysan ay ka farxad badanyihiin kuwa ilmaha haysta

0
89

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu sheegay in dhalashada cunuggu ay saameyn ku yeelato xiriirka ka dhexeeya ninka iyo naagtiisa.

 

Daraasad ay samaysay Jaamacadda Bourne 2021-kii ayaa sheegtay in mid ka mid ah afartii hooyooyinka iyo mid ka mid ah 10 aabayaasha ay la kulmaan xanuun dhimir kadib dhalashada ilmaha.

 

Waxaa intaa dheer, cilmi-baaristan waxay sidoo kale muujineysaa in lammaanaha aan carruurta lahayn ay aad uga farxad iyo qanaaco badanyihiin kuwa carruurta haysta.

 

Cilmi baaris ayaa sidoo kale muujisay in jaceylka u dhexeeya lamaanayaasha carruurta leh uu sii yaraanayo 10 sano kadib dhalashada ilmaha.

 

Sidoo kale, boqolkiiba 62 haweenka aan carruurta lahayn ayaa aad u faraxsan.

 

Laakiin kaliya 38 boqolkiiba hooyooyinka dhallaanka heysta ayaa la ogaaday inay ku qanacsan yihiin.

 

Dhalmada ilmaha waxa ay saameyn ku yeelataa xiriirka ninka iyo xaaskiisa, waana inay u tagaan takhtar si ay talo u helaan sida warbixinta lagu sheegay.