Caro ka dhalatay haween kufsi loogu geystay dalka Hindiya.

0
89

Baladweyne ( Radio Beerlula )Maxkamada sare ee dalka Hindiya ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay kufsiga la sheegay in lagula kacay haweenka gobolka waqooyi bari ee Manipur intii lagu guda jiray rabshadihii isir ee halkaasi ka dhacay bishii May.

Faragelinta maxkamada ayaa timid kadib markii baraha bulshada lagu soo bandhigay muuqaal muujinaya labo haween ah oo ka soo jeeda qowmiyada laga tirada badan yahay oo ay qaawan yihiin isla markaana ay fal fool xun ku sameynayaan kooxo burcad ah.

Muuqaalkan ayaa gudaha India ka dhaliyay caro baahsan.

Raiisel wasaare Narendra Modi ayaa dhacdada ku tilmaamay mid ceeb ah.

Waxay ahayd fakarkiisii ​​ugu horreeyay ee uu ka bixiyo xaaladda Manipur tan iyo markii ay isku dhaceen beelaha Meitei iyo Kuki horaantii bishii May.