Geed jiniga oo dhibaato ku haya beeraleyda duleedka waqooyi ee magaalada Baladweyne.

0
107

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Beeraleyda deegaanka Leebow ee duleedka waqooyi ee magaalada Baladweyne ayaa waxaa xiligan dhibaato ah Geedi jini kaasoo inta badan ka soo baxay dhul beereedka deegaanka.

Sidoo kale geed jinigan ayaa xiray wadooyinka soo gala deegaanka Leebow taasoo dhibaato badan ay ku qaban gaadiidka qudaarta ka soo qaada waqooyiga magaalada Baladweyne.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey