Inkabada 60 haween oo tababar loogu soo xiray Magaalada Garoowe.

0
127

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda maamulka Puntland Sharmaarke Yaasiin Cali ayaa soo xiray Tababar ku saabsan diyaarinta iyo karinta kalluunka qallalan oo muddo 12 maalmood ah u socday 60 haween ah oo ka kala yimid magaalooyinka ka baxsan xeebaha Puntland.

Xiritaanka Tababarka oo ay sidoo kale ka qayb galeen qaar kamid ah Agaasime Waaxeedada wasaaradda, ujeedada loo qabtay ay tahay in kor loo qaado fahamka faa’iidada cunista kalluunka dadka kuwaas oo ku nool dhulka ka baxsan xeebaha iyo sidoo kale in la fidiyo isticmalka kalluunka lagu qallajiyo cadceeda.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.