150 araday oo kusumoobay cunto ay cuneen dalka Uganda

0
93

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Mas’uuliyiinta dalka Uganda ayaa baaraya cunno la tuhunsan yahay inay ku sumoobeen arday ka dib markii 150 kamid ah loo qaaday isbitaal.

Ardeydan ayaa la sheegay in ay ka cabanayeen calool xanuun kadib markii ay cuntadii makhrib ee Arbacadii ku qaateen dugsiga sare ee Nakanyonyi ee degmada Mukono ee bartamaha dalka Uganda.

150-ka arday ayaa ku jiray isbitaal ku yaalla degmada, lamana diiwaangelin wax dhimasho ah, waxaana inta badan carruurta ay heleen daryeel caafimaad waxaan laga saaray isbitaalka, sida uu afhayeenka booliiska Patrick Onyango u sheegay warbaahinta.