Baladweyne ( Radio Beerlula )Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa laga daah furay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga dhexe kaasoo ay u fadhisteen in ka badan laba kun iyo shan boqol oo ardey.
Imtixaankan oo ardeyda degmooyinka kale ee gobolka Hiiraan laga qaaday 22 -kii bishii May ayaa dib loogu dhigay ardeyda Magaalada Baladweyne maadaam waqtigii la qaadayay imtixaanka ay la daala dhacayeen fatahaadii uu geystay webiga shabeelle.
Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey