Barnaamijka hubinta badeecadaha oo laga daah furay Muqdisho

0
142

Baladweyne ( Radio Beerlula )Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa magaalada Muqdisho ka furay barnaamijka dhaqangelinta heshiiska hubinta waafaqsanaanta shixnadda ka hor oo hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ay la gashay shirkadda Bureau Veritas oo ah shirkad caalami ah oo hubin doonta tayada badeecadaha ka hor inta aan loo soo dhoofin dalka.

Waxaa ka qeybgalay shirka Ku simaha Maareeyaha ahna Maareeye ku xigeenka hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed Wasiirka Amniga, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Ciidamada, Culimaa-uddiinka iyo qaar ka mid ah ganacsatada .

Warkan waxaa inoo haya Cabduqaadir Cumar Ibrahim