Mid ka mid ah fanaaniinta Baladweyne oo baraha bulshada ku madadaaliya dhalinyarada.

0
100

Baladweyne (Radio Beerlula)-Cabdifataax Cabdi Nuur ( Indha caashaq) oo ka mid ah fanaaniinta ku nool magaalada Baladweyne ayaa bilaabay in baraha bulshada uu ku madadaaliyo dhalinyarada ku xiran gaar ahaan Aaalada Tiktok oo hadda si weyn ay u isticmaalan dhalinyarada.

Fanaankan oo muddo 7 sano ah ku jira fanka ayaa barta Tiktok ku soo bandhiga heesaha uu qaado iyo ruwayado ay jilan isaga iyo koox kale oo dhalinyaro ah kuwaasoo si weyn u soo jiitay bulshada ku xiran bartiisa.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saney.