Tottenham Oo Mustaqbalka Harry Kane Go’aamisay

0
143

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda ree London ee Tottenham Hotspurs ayaa la sheegayaa inay go’aan weyn ka qaadatay mustaqbalka weeraryahanka kooxdeeda ee Harry Kane oo markale bixitaan lala xidhiidhinayo suuqa xagaagan.

Harry ayuu heshiiskiisa Spurs ka hadhay hal sano iyadoo kooxdu intii hore ee suuqa oo dhan meel adag ka taagnayd iibkiisa.

Tottenham ayaa 120 Milyan oo pound dul-dhigtay iibka 29 sano jirkaas taas oo sababtay in kooxo ay kamid tahay Manchester United dib uga fadhiistaan.

Bayern Munich ayaa ah kooxda xiisaha ugu badan u muujisay Harry Kane iyagoo laba dalab ka gudbiyay walow labadaba Tottenham kusoo celisay