Twitter oo Beddeshay Astaanteedii Shimbirka Buluugga ah

0
95

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Milkiilaha barta ay bulshadu ku xiriiraan ee Twitter, Elon Mask ayaa ku dhawaaqay in ay gabi ahaanba bartu beddeshay astaantii lagu bartay ee ay ahayd shimbirka leh midabka buluugga ah.

Mask oo qoraal soo dhigay barta Twitter-ka ayaa sheegay in astaan cusub ee ay qaadatay barta twitter-ku ay tahay “X”.

Waxa kale oo uu tilmaamay in barta internet-ka oo horay u ahayd “twitter.com” ay haatan ka dhigeen “x.com”

Tallaabadan ayaa lagu macneeyay isbeddelkii ugu ballaarnaa ee barta twitter ay samaysay tan iyo markii uu milkiyaddeeda la wareegay maalqabeenkan reer Mareykan xilli ay cirka isku sii shareerayaan tartanka kala dhexeeya baraha kale ee ay bulshadu ku xiriirto sida Threads, Tiktok iyo Facebook.

Tan iyo sanadkii tagay barta Twitter ma ahayn shirkad madax