Sagaal ruux oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay Suudan.

0
92

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Diyaarad rayid ah oo nooceedu ahaa Antonov ayaa maanta ku burburtay garoonka Port Sudan ee Dalka Suudaan, halkaasi oo ay ku dhinteen sagaal qof oo ay ku jiraan afar askari oo mileteri ah.

Bayaan ay soo saareen ciidamada Suudaan ayaa lagu sheegay in shilkasi oo ay sababeen cillad farsamo uu ka badbaaday cunug yar .

Shilkaan diyaaradeed ayaa yimid 100 maalmood ka dib markii 15-kii bishii Abriil ee la soo dhaafay uu dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Suudaan iyo kuwa kale ee la magic baxay Taageerada degdegga ah.

Magaalada Port Sudan oo dhacda bariga Bada Cas ayaa kamid ah magaalooyinka ay gacanta ku hayaan ciidamada Sudan tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Gegida diyaaradaha ee Port Sudan ayaa ah tan kaliya ee weli ka shaqeysa dalkaasi,waana marin muhiim u ah gargaarka dibadda ee aadka loogu baahan yahay.

Dagaalka ka socda Suudaan waxaa ku dhintay ugu yaraan 3000 oo qof sida lagu sheegay qiyaas maxalli ah.