Wasaaradda waxbarashada Puntland oo xariga ka jartay iskuul hoose iyo dhexe oo laga hirgeliyay Qardho.

0
77

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee dowlad goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Yuusuf Duujaana ayaa si rasmi ah xariga uga jaray iskuulka hoose iyo dhexe shimbiraale oo laga hirgeliyay magaalada Qardho.

Guddoomiyaha degmada Qardho Cabdi Saciid Qaal, waxgaradka magaalada Qardho, xubno ka socday hay’addaha Save the Children iyo Care oo gacan ka geystay dhismaha iskuulkan ayaa goob joog ka ahaa munaasabadda xariga looga jaray iskuulkan.

Warkan waxaa inoo haya Xaawo Aadan Xuseen