Xildhibaanada maamulka Puntland oo ansixiyay wax ka badalka Dastuurka

0
117

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane, Cabdirashid Yusuf Jibril Cawl oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa maanta Shir-guddoomiyey fadhiga 16- ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta ayaa ahaa ka Wax-ka-bedelka Dastuurka Puntland, waxaa goobjoog ahaa 60 Xildhibaan Waxaana Oggol ugu codeeyay 54 mudane.

Warkan waxaa inoo haya Cumar Yuusuf Aadan