Shir looga hadlayay koboca dhaqaalaha oo lagu qabtay Muqdisho

0
86

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa lagu qabtay shir looga hadlayay koboca dhaqaalaha dalka ee ku biirista ururka dhaqaalaha Bariga Africa, waxana shirkan ka qeyb galay khuburo ku xeel dheer arrimaha dhaqaalaha, siyaasadda iyo ardeyda barata cilmiga dhaqaalaha ee jaamacadda SIMAD.

Shirkan ayaa si gaar ah diirada loogu saaray waxtarka uu u leeyahay dalkeenna ku biirista suuqa ganacsiga bariga Afrika, gaar ahaan dhinaca kobaha dhaqaalaha, waxana shirkan soo qaban qaabisay jaamacadda SIMAD.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamad Cabdi Saneey