Garsoore Mareykan ah oo go’aan ka gaaray arrin farxad gelineysa dadka magangalyo doonka ah

0
172

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Garsoore heer federaal ah oo Maraykan ah ayaa meesha ka saaray, siyaasad la xirriirta magangalyada oo uu dhawaan dhaqan galiyay madaxweyne Biden.

Go’aankan ayaa dhabar jab ku noqonaya dedaallada maamulkiisa uu ku doonayo in lagu xakameeyo muhaajiriinta dalka ka soo gala xuduudda Koonfureed ee Mexico.

Grasoore Jon Tigar ayaa sharci darro ku tilmaamay in dadka magan-gelyo-doonka ah ay iyagoo dalalkooda jooga soo codsadaan gelitaanka Maraykanka, ama ay ka soo codsadaan waddamada xuduudda la leh Mareykanka.

Go’aankaas ayaannu wax ka weydiinnay garyaqaan Amiin Haruun oo ah qareen deggan Mareykanka