Barcelona Oo Garab Weyn Ka Heshay Qatar

0
59

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dalka Qatar ayaa u muuqda mid xalinaya dhibka kooxda Barcelona ee suuqa xagaagan iyagoo ku samaynaya maalgelin weyn oo 100 Milyan oo euro ah.

Maalgalintan 100-ka Milyan ah ayaa xalin doonta dhibaatooyin badan sida inay Barca awoodi doonto inay diiwaan galiso dhammaan saxeexyadeeda cusub iyo heshiisyada Ronald Araujo iyo Sergi Roberto.

Maalgelintaas oo ay maamulka horyaalka La Liga dib u eegis ku sameeyeen ayaysan wax qalad ah ku helin oo aqbaleen sida uu sheegayo saxafi Ferran Correas.

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta oo si adag ugu dadaalaya horumarinta kooxdiisa ayaa la fahamsan yahay in safarkii uu horraantii sanadkan ku tagay dalka Qatar uu kusoo galay heshiiskan.

Intaas waxa dheer oo laga warsugi doonaa haddii maalgalintani Barcelona ka caawin doonto inay saxeexyo dheeraad ah ka samayso suuqa xagaagan.

Sida uu ahaa qorshaha Barcelona iyo macalin Xavi Hernandez, suuqa wali waxa ugu hadhsan hal saxeex khad dhexe iyo hal daafac midig.

Image