Golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay sharciyo Muhiim ah

0
68

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka, Mudane Xasan Macallim Maxamuud Sh. Cali ayaa looga hadley xaaladda amniga dalka, Isla markaana lagu ansixiyey hindise sharciyeedyo muhiim u ah dalka.

Golaha ayaa meel-mariyey Hindise Sharciyeedyada kala ah, Hindise Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed, Hindise Sharciyeedka Hay’adda Adeegga Baaritaanka iyo Sharciyeeynta Beeraha Soomaaliyeed, Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed, Hindise Sharciyeedka Abuurka iyo Noocyada Dhir-beereedka, Hindise Sharciyeedka Badbaadada Dhir-beereedka iyo Takoorka , Iyo Xeer Nidaamiyaha Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman.

Warbixintanw waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmad.