Singapore oo haweeney ku fulineysa xukun dil ah markii ugu horeysay muddo 20 sano ah

0
134

Baladweyne (Radio Beerlula)- Singapore ayaa xukun dil ah ku fulin doonta haweeney markii ugu horeysay muddo 20 sano ah, sida ay sheegeen dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha.

Saridewi Djamani oo 45 jir ah una dhalatay dalka Singapore ayaa lagu helay dambi ah ka ganacsiga 30 garaam oo Heroin ah sanadkii 2018-kii.

Waa qofkii labaad oo xukun dil ah lagu fuliyo saddexda maalmood ee soo socda.

Sida uu dhigayo sharciga Singapore, ciqaabta dilka ah ayaa lagu soo rogi karaa haddii daroogada heroinku uu miisaankiisu ka badan yahay 15 garaam, xashiishaduna ay ka badan tahay 500 garaam.

Singapore ayaa leh qaar ka mid ah sharciyada ugu adag ee ka hortagga daroogada adduunka, kuwaas oo ay sheegtay in ay lagama maarmaan tahay in la ilaaliyo bulshada.