Lamaane cunug ay dhaleen u iibiyay iPhone dartiis.

0
96

Baladweyne (Radio Beerlula)-Lammaane ku nool dalka Hindiya ayaa qirtay in ay iibiyeen gabadh yar oo ay dhaleen taas oo jirtay siddeed bilood.

Labadan qof oo ku nool Galbeedka Bengal ayaa lagu soo warramayaa in ay lacagtii ilmaha yar laga siiyey ay ku iibsadeen telefoon nooca IPhone ka ah kaas oo ay ugu tala galeen in ay ku duubaan muuqaallada gaagaaban ee baraha bulshada lagu baahiyo.

Lammaanahan ayaa sidoo kale maagganaa in ay iibiyaan ilma kale oo 7 jir ahaa kaas oo lagu qabtay ka hor intii aanay si hoose hawshiisa u dhammayn.

Odaygii reerka ayaa la sheegayaa in uu baxasaday oo lagu raad joogo halka hooyadiina ay xabsi ku jirto.