Maalinta cagaarshowga Adduunka oo maanta dunida laga xusayo

0
127

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maalinta Cagaarshowga Adduunka ayaa la xusaa sannad kasta 28-ka Luulyo si kor loogu qaado wacyigelinta ku saabsan qatarta cudurka cagaarshowga kaasoo ku dhaca beerka islamarkana sababa cudurka kansarka.

Golaha Caafimaadka Adduunka ayaa taageeray ciribtirka cagaarshowga fayraska sida khatarta caafimaadka dadweynaha oo ay ku jirto dhibaatooyinka ay kala kulmi karaan hooyooyinka.

Maalinta Cagaarshowga Adduunka, 28 Luulyo, waa fursad lagu dardargelinayo dadaallada heer qaran iyo heer caalami ee ku saabsan dabargoynta cudurkan iyadoo bulshada laga wacyegelinayo halistiisa.

Taariikhda 28 Luulyo ayaa la doortay xuska maalinta cagaarshoowga sababtoo ah waa dhalashadii saynisyahanka ku guuleystay abaalmarinta Nobel Prize Dr Baruch Blumberg, kaas oo helay fayraska cagaarshow B (HBV) oo sameeyay baaritaan ogaanshaha iyo tallaalka fayraska.

Cabdulaahi Macalin Maxamad oo kamid ah dhaqaatiirta Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay waxyaabaha kena xanuunkan ,sida looga hortago iyo astaamihiisa

Qaar kamid ah bulshada Baladweyne ayaa Radio Beerlula uga waramay saameynyta cudurkan iyo waxa ay uga dhigantahay maalintan.

Warbixintan waxaa inoo haya C/qaadir Cumar Ibraahim