Daawo Jurgen Klopp Oo Ku Wargelinaya Alexander-Arnold Inuu Noqday Kabtan Ku Xigeenka Liverpool

0
111

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Liverpool ayaa shaacisay in Trent Alexander-Arnold uu noqonayo kabtan ku xigeenkooda cusub, waxayna ka duubeen muuqaal markii uu tababare Jurgen Klopp ku wargelinayay ciyaaryahanka inuu noqonayo kabtan ku xigeenka.

Alexander-Arnold ayaa bedelaya James Milner oo ku biiray Brighton xagaagan, halka Virgil van Dijk uu noqonayo kabtanka kooxda isagoo bedelay Jordan Henderson oo Sacuudiga u haajiray.

Waxay u tahay guul weyn Alexander -Arnold inuu kabtan ku xigeen u noqdo Liverpool madaama uu ka soo baxay akadeemiga kooxda islamarkaana uu kooxda ku noqday mid ka mid ah daafacyada midig ee ugu fiican dunida.,

Xiddiga Ingariiska ayaa dib u habeyn ku sameeyay ciyaartiisa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore isagoo noqday daafac garab oo weerar ah, wuxuuna kubada ku dhisayay khadka dhexe oo uu halkaas ka caawinayay weerarka.

Xilli ay Liverpool tababare ku sameyneysay magaalada Singapore, Klopp ayaa ku wargeliyay Alexander-Arnold inuu noqonayo kabtan ku xigeenka kooxda.

Markii uu tababaraha Jarmalka u sheegay Alexander-Arnold doorkiisa cusub, ciyaaryahanka ayay markii hore lama filaan ku aheyd, ka hor inta uusan Alexander-Arnold muujinin sida uu ugu faraxsan yahay shaqadiisa cusub.