Gooryaan la qaboojiyay 46,000 sano kahor oo hadda “soo miyirsaday”

0
153

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Koox baarayaal caalami ah ayaa ku guuleystay inay dib miyirka ugu soo celiyaan labo gooryaan oo faranjeer lagu qaboojiyay ku dhowaad 46,000 sano kahor.

Gooryaankan ayaa ka tirsan bahda gooryaanka ee nematode, waxaana la geliyay xaaladdan loo yaqaanno cryptobiosis, taasoo u oggolaaneysa inay u adkeystaan biyo la’aanta iyo oksojiin la’aanta, iyo sidoo kale xaalado cimilo oo aad u daran.

Ma aha markii ugu horreysay ee ay arrintan oo kale dhacdo, balse hore uma dhicin in noole la qaboojiyay muddo sidan u dheer ay dib usoo miyirsadaan.

Saynisyahannada ayaa baaritaan ku sameeyay sababta ka dambeysa inay u adkeystaan biyo la’aanta, waxaana la ogaadau inay soo saaraan sokor lagu magacaabo trehalose, taasoo u oggolaaneysa inay adkeysi yeeshaan.

Noocan gooryaanka ayaa ka mid ah kuwa ku dhasha caloosha xayawaannada kale.