Waddan dalxiis bilaash ah siinaya qofka doonayo in uu booqdo jasiiradiisa

0
91

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dowladda Giriigga ayaa dalxiis bilaash ah siinaysa qof waliba oo doonaya in uu booqdo jasiiradda Rhodes oo bishii u dambeysay uu halakeeyay dab ka kacay kayn.
In ka badan labaatan kun oo qof ayaa ayaa ka barakacay jasiiradda, kadib markii uu dabku dhacay xilli cimiladu aad u kululeyd.

Wakaladaha safarka ayaa hadda bilaabay olole loogfu magac daray ‘Rhodes waa amaan’ si dadka dib loogu celiyo jasiiradda.

Raysal wasaaraha Giriigga Kyriakos Mitsotakis ayaa sheegay in uu rajaynayo haddii dadka laga bixiyo qarashaadka in ay dib ugu laabanayaann “si ay ugu damaashaadaan quruxda dabiiciga ah ee jasiiradda.