DEG DEG: Chelsea Oo 25 Milyan Ku Soo Xerogelisay Goolhaye Cusub

0
82

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Chelsea ayaa hishiis 25 milyan ah kala gaartay kooxda Brighton saxiixa goolhaye Robert Sanchez.

Lacagta waxaa ku jirta lacago ku xiran qaab ciyaareedka goolhayaha iyadoo Sanchez uu haatan tijaabada caafimaadka u marayo Chelsea.

25 jirkaan ayaa u wareegistiisa Stamford Bridge waxay la micno tahay inuu la tartamo goolhayaha koowaad Kepa Arrizabalaga.

Chelsea ayaa dooneysay inay xoojiso boosaska goolhaye ka dib markii ay Edouard Mendy ka iibiyeen kooxda Sacuudiga ee Al-Ahli horaantii xagaagan.

Sanchez oo labo kulan u saftay xulka Spain ayaa ka soo baxay akadeemiga Brighton laakiin waxa uu keyd u galay goolhaye Jason Steele xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Dhanka kale, koox aan la magacaabin oo Sacuudiga ka dhisan ayaa u soo dhawaatay saxiixa xiddiga diirada u saaran Chelsea ee Moises Caicedo.

Weli wax dalab rasmi ah ma aysan gudbinin laakiin waxay sii shaaciyeen inay diyaar u yihiin inay bixiyaan lacag aad u badan.

Caicedo ayaa weli ah bartilmaameedka koowaa dee Chelsea inkastoo aysan jirin wadahadalo haatan socda oo u dhaxeeya iyaga iyo Brighton.

Sky Sports News ayaa sheegeysa in Chelsea ay la laaban doonto dalab ka sareeya midkii laga soo diiday ee 80ka milyan ginni.