Xarunta bangiga dhiiga qaranka oo laga hirgeliyay magaalada Muqdisho oo xariga laga jaray.

0
74

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed.

Munaasabadda xariga looga jarayay xarunta bangiga dhiiga qaranka ayaa waxaa ka qeyb galay wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan, xubno ka tirsan wasaaradda caafimaadka, xildhibaano, bahda caafimaadka iyo marti sharaf kale.

Warkan waxaa inoo haya Maxamed Cabdi Saneey