Isbitaalka deegaanka Ceel Baraf oo xariga laga jaray

0
89

bALADWEYNE ( Radio Beerlula )-Wasiirka Maaliyadda Hirshabeelle Cabdirixiin Ciise Cadow iyo wasiiru dowladaha wasaaradda caafimaadka Hirshabeelle Muxiyadiin Macalin Mukhtar ayaa si wada jir ah xariga uga jaray Isbitaalka deegaanka Ceel Baraf we gobolka shabeellaha dhexe.

Isbitaalkan ayaa waxaa si isku tashi ah ku dhisay bulshada deegaanka oo garab ka helaya maamulka Hirshabeelle iyo dowladda federaalka Soomaaliya, waxana loo dhameystiray dhamaan agabkii uu ku shaqeyn lahaa .

Warbixintaan waxa soojeedinaya Aadan Cabdi Axmed.