DEG-DEG: Southampton Oo Ka Jawaabtay Dalabkii 3-aad Ee Liverpool Ka Gudbisay Romeo Lavia.

0
80

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Southampton ayaa diiday dalabkii ay Liverpool ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Romeo Lavia sida ay sheegayaan wararku.

Liverpool ayaa dalab 3-aad ka gudbisay saxiixa xiddiga Romoe Lavia si ay ugu xoojiyaan khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Reds ayaa dalab 46 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe iyada oo Southampton diiday dalabka Liverpool.

Southampton ayaa wali ku adkaysanaysa in ayna xiddiga ku iibin doonin wax ka yar 50 milyan oo euro hadii ay fasaxayaan xiddiga.

Sida laga soo xigtay Sky Sport Southampton u sheegtay Liverpool in ay kor u qaado dalabkooda hadii kale ay iska iloobaan saxiixa xiddiga.