Jaamacadda Umadda oo lagu wado in laga hirgeliyo Baladweyne.

0
99

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka waxbarashadda hiddaha iyo tacliinta sare ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in dhawaan magaalada Baladweyne laga daah furi doono jaamacadda umadda si ardeyda sannad kasta ka baxa magaalada Baladweyne looga baaqsado.

Jaamacadda Umadda ayaa si ku meel gaar ah ugu sii shaqeyn doonta qeyb ka mid ah machadka tababarka magaalada Baladweyne iyadoona la diyaariyay dhulkii laga dhisi lahaa sida u sheegay wasiirka waxbarashadda Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle.

Warbixintaan waxa soojeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.