Nin xaaskiisa u diiday inay 12 sano guriga ka baxdo oo la xiray.

0
126

Baladweyne (Radio Beerlula )-Nin u dhashay dalka Jarmalka ayaa la xiray kaddib markii la sheegay in xaaskiisa uu muddo 12 sano ah guriga ku xabisay.

Lammaanahan ayaa ku nool dalka Faransiiska. Haweeneyda oo sidoo kale Jarmalka u dhalatay, ayay booliisku ugu tageen gurigeeda iyadoo madaxu ka xiiran yahay.

Booliiska ayaa sheegay in qolka jiifka lagu hareereeyay silig si aysan uga baxsan haweeneydan.

Ninkan oo 55 jir ah ayaa la xiray isagoo looga shakiyay afduub iyo dembiyo kale.

Deriskooda oo ay booliisku wareysteen ayaa sheegay in aragtida haweeneyda ay ugu dambeysay 10 sano kahor ayna u heysteen inay dhimatay amaba meesha ka guurtay.