Walaac laga muujiyay dad waayeelo ah oo lagu garaaco xarun lagu xanaaneeyo.

0
85

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dadka nugul ee ku nool guri lagu xanaaneeyo dadka da’da ah oo u dhow magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, ayaa loola dhaqmaa si arxan daran, iyagoo u muuqda in la dayacay.

Muuqaal sir ah ayaa muujinaya xubnaha shaqaalaha oo jir ahaan six xun ula dhaqmaya dadkaas taagta daran, iyo sidoo kale iyagoo cuntada si toos ah ugu daadinaya miisaska halkii saxan ugu guri lahaayeen.

waxaa sidoo kale muuqata in ay jiran xaalado caafimaad oo aan helin daryeel iyo daweyn gaar ah.

Muuqaallada qarsoon ayaa muujinaya saddex shaqaale ah oo ku labisan dharka midabkiisu yahay purple-ka ay haweeney da’ah ku hareereeyeen meel ay taagneyd.

Haweeneydii da’da ahayd waxa ay u muuqatay mid lasoo weeraray oo ay cabsi badani ka muuqato.

Waxaa markaas la arkayay mid ka mid ah shaqaalaha oo ul alwaax ah qaarka dambe uga garaacaysa haweeneyda waayeelka ah.